Su’aal-Jawaab: Wareysi aan la yeelanay u qaabilsanaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya (Q. 1aad)

Wariye Maxamed Bishaar Barre Jaamac oo salaamaya Hugh Riddell oo ah u qaabilsanaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya. Muqdisho, Soomaaliya, Photo: SimonTavete/GoobjoogTV

Waxaaan halkan idin kugu soo gudbineynaa qeybta 1-aad ee wareysi aan la yeelanay uqaabilsanahay Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Mr. Hugh Riddell. Wareysigan oo ahaa mid dheer oo aan qeybaha kalena aad idiin soo gudbin doono waxaa qaaday Maxamed Bishaar Barre Jaamac waxaana Af-Soomaali u tarjumay Mowliid Axmed Xasan.

Hadaba halkan hoose ka aqriso qeybta hore ee wareysiga oo su’aal iyo jawaab talantaali ah.

SUAAL:

Ugu horreyn waxaad si guud innoogu sharaxdaa xiriirka Bangiga Adduunka iyo Soomaaliya iyo howlaha Bangiga uu ka fuliyo Soomaaliya?

JAWAAB:

Sanadkii 2013 waxaan awood u yeelanay in aan dib u yagleelno xiriirka Soomaaliya aan la-leenahay kadib muddo 22 sano ah. Sanadkii 1991-kii ayuu Bangiga Adduunka joojiyay howlahii uu ka fulinayay Soomaaliya. Sidaa darteed waxaan aad ugu faraxsannahay in aan Soomaaliya dib ugu soo laabanay sanadkii 2013. Noocyada howlaha aan ka wadno Soomaaliya waxaa kamid ah:

1. Waxaan la shaqeynaa dowladda Soomaaliya, Dowladda ayaana ka taageernaa si ay u yeelato hay’ado dowladeed oo xooggan.

2. Waxaan ku dadaaleynaa in aad abuurno jawi wanaagsan oo ganacsi lagu sameyn karo si dhallinyarada Soomaaliyeed ay shaqooyin u helaan.

3. Waxaan ka shaqeyneynaa sidii loo xoojin lahaa adkeysiga

SUAAL:

Sidee ayuu Bangiga Adduunka u taageeraa dowladda Soomaaliya?

JAWAAB:

Waxaa muhiim ah in la fahmo sida Baanka Adduunka uu u shaqeeyo. Dowladda Soomaaliya waxey xubin ka tahay Bangiga Adduunka, taasina waxey macnaheedu tahay in Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu kamid yahay xubnaha guddoonka Bangiga Adduunka. Meel kastoo dunida aan ka shaqeynana waxaan si toos ah ula shaqeynaa dowladaha xubnaha ka ah Bangiga Adduunka. Sidaa darteed, Baanka waxuu adeegsanayaa sanduuqeenna (PMF) si taageerada loo gaarsiiyo hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya.

Taasina waxaa ay micanaheedu tahay in aan heshiisyo sharciyeed la saxiixanno dowladda Soomaaliya iyo Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Lacagaha waxaa ay si toos ah ugu dhacaan Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Waxaa intaas sii dheer in wada-shaqeynteenna aanay ku ekeyn Muqdisho balse Muqdishu ayey ka bilaabataa waxaana ay gaartaa Maamul Goboleedyada oo ay kamid yihiin Kismaayo-Jubbaland, Baydhabo-Koofur Galbeed. Waxaanna hadda kusoo biiraya Galmudug iyo Hirshabeelle. Waxaan sidoo kale wada-shaqeyneynaa Puntland iyo Somaliland, dowladdana waan la shaqeynaa.

SUAAL:

Sideed isku waafajisaan mashaariicda iyo howlaha aad Soomaaliya ka fulisaan iyo hiigsiyada qorshaha qaranka ee Soomaaliya ay dooneyso in ay gaarto?

JAWAAB:

Arrimaha shuruucda aad ayey muhiim ugu tahay Soomaaliya waqti xaadirkan. Hormarinta hay’adaha dowladda waxaa weeye in dib loo-qaabeeyo shuruucda, mushkiadda ugu badan ee Soomaaliya ay wajaheysay sanadahii lasoo dhaafayna waa musuqa.

Musuqa waxuu u jiraa hay’adaha dowliga oo aan awood laheyn. Sidaa darteed waxaan hay’adaha dowliga ah kala shaqeyneynaa sidii ay u tayayn lahaayeen shuruucdooda iyo sidii ay shuruucdaas u dhaqan-gelin lahaayeen una hagaajin lahaayeen dowladnimada. Taasina waxey macnaheedu tahay hufnaan iyo isla-xisaabtan.

Waxaa hadda sidoo kale taageereynaa Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP). NDP waa qorshahii ugu horreeyay ee dowladda Soomaaliya ay lahaato muddo ka badan 20 sano. Qorshahan waa qorshe guud sidoo kalena waaqici ah oo diiradda meel saaraya. Waan hagaha sida aan ku wada-shaqeyneyo anaga iyo dowladda Soomaaliya. Barnaamijyadeena waxaan ka dhigeynaa kuwa la-jaanqaadaya Qorshaha Horumarinta Qaranka

[Lasoco qeybaha dambe ee wareysiga]

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here