Wasaaradda Maaliyadda oo sameyneysa website ay dadweynaha miisaaniyadda kala socdaan

Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan daaha-ka-rogeysa website ay dadweynaha kala socon karaan miisaaniyadda qaranka.

Bogga Twitter-ka ee Wasaaradda ayaa lagu soo qoray arrintaas, waxaana ay wasaaradda sheegtay in goor dhaw lasoo sii deyn doono website-kaas.

“@MofSomalia waxey daaha-ka-rogi doontaa website gaar u ah MIISAANIYADDA Qaranka oo dhammaan dadweynaha u ogolaan doona in ay helaan xogaha maaliyadeed ee dowladda” ayey tiri Wasaaradda.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here