Tartan ku saabsan hal-abuurka tiknolojiyada oo Muqdisho lagusoo gaba-gabeeyay

Photo credit: iRise Hub

Waxaa maanta oo Arbaca ah magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay tartanka ku saabsanaa hal-abuurka tiknoolojiyada oo ay qabatay Hay’adda Shaqadoon oo fadhigeedu yahay isla magaalada Muqdisho.

Tartankan oo muddo socday ayaa waxaa soo codsaday in ay kasoo qeyb galaan illaa iyo sagaal waxaana ugu dambeyntii kusoo baxay in ay ka qeyb-gali karaan 4 jaamacadood oo Muqdisho ku yaalla, sidaa waxaa Goobjoog Business u sheegay Axmed Cali oo ah madaxa barnaamijyada ee Hay’adda Shaqadoon.

“9 Jaamacadood ayaa markii hore soo codsaday in ay barnaamijka ka qeyb galayaan, 4 jaamacadood ayaa soo baxay oo qualified noqday. Kadibna dhallinyartii afarta jaamacadood ayaa tababar soconayay muddo 5 cisho ah ayaa la-siiyay” ayuu yiri Axmed Cali.

Jaamacad walba waxaa tartanka uga qeyb-galayay hal koox oo ka kooban 3 qof, waxaana ardaydaas ay ka socdeen kulyadda culuumta tiknoolojiyada ee jaamacadda ay matalayaan iyagoo tartankana uga qeybqaadanayay systemkii ay abuureen waqtigii ay Jaamacadda ka qalin-jebinayeen.

Madaxa barnaamijyada Shaqadoon oo mar kale faahfaahin ka bixiyay fikradahii ay soo bandhigeen dhallinyarada kala mataleysay jaamacadahii tartanka ka qeybgalayay ayaa yiri:

“Qolada koobaad waxey ku tartamayeen barnaamij la yiraahdo E-Codeey oo ahaa nidaam SMS lagu codeynayay oo run ahantii ahaa barnaamij aad iyo aad u qurux badan. Qolo kale waxey soo sameysay barnaamij la yiraahdo E-Badeeco oo aheyd barnaamij ka tarjuamayay sidii ganacsatada Soomaaliyeed ganacsigooda u xisaabin lahaayeen isagoo Af-Soomaali ku shaqeynaya. Halka qolo kalena ay soo bandhigeen barnaamij albaabada lagu furayo adigoo isticmaalaya moobilkaaga oo aadan u baahneyn in ay cidi albaabka kaa furto oo aad adiga iska furi karto. Iyo qolada ugu dambeyso oo sameyneysa barnaamij la yiraahdo Zakeeye” ayuu kusoo gabagabeeyay Axmed Cali.

Ugu dambeyntiina guddi ayaa qiimeeyay fikradaha iyo barnaamijyada ay maanta kasoo horjeediyeen dhallinyarada waxaana ku guuleystay tartanka koox mataleysay Jaamacadda SIMAD. Waxeyna la guddoonsiiyay lacag abaalmarin ah ($3,000) oo loogu talagalay in ay barnaamijkooda ku hormariyaan.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here