Maxaad Kala Socotaa 15 Mashruuc oo Uu Bangiga Adduunka Ka Fuliyo Soomaaliya?

Xiriirka Bangiga Adduunka uu la leeyahay Soomaaliya waxuu dib u bilowday August 2012 kadib markii ku dhawaad 21 sano uu meesha ka maqnaa. Tan iyo waqtigaas xiriirka labada dhinac waxuu ahaa mid sii xoogeysta, iyadoo Baanka uu bilaabay inuu Dowladda ka taageero dhinacyo badan oo ay kamid yihiin toosinta hanaanka maaliyadeed, kor u qaadidda tayada shaqaalaha Dowladda iyo sare u qaadidda dhaqaalaha dalka.

Sanadkii 2013 waxaa la aasaasay Multi Partner Fund oo ah sanduuq uu maamulo Bangiga Adduunka waxuuna sanduuqaas Soomaaliya u qaabilsanyahay qoondeynta, maamulka iyo la socoshada mashaariicda Baanka ee Soomaaliya. Waxaa sanduuqaas maalgeliya 10 deeq bixiyeyaal oo kala ah Midowga Yurub, UK, Sweden, Norway, Denmark, Switzerland, Baanka Adduunka (Sanduuqa Nabadda & Dowlad Dhisidda), Finland, USA iyo Talayaaniga.

Hadaba qormadan waxaan idin kugu soo gudbin doonnaa 15 Mashruuc oo uu Baanka Adduunka ku taageero Dowladda isla mar ahaantaana saameyn ku yeelaneysa dhaqaalaha iyo nolosha Soomaalida. FG: mashaariicda hoos ku xusan oo dhan mid mid ayaan u dul istaagi doonnaa, sida loo fuliyo iyo cidda fuliso iyo heerarka ay marayaan. Waxaa kale oo xusid mudan in xogta qormada oo dhan laga soo qaatay warbixin (Progress Report) uu soo saaray Sanduuqa Multi Partner ee Baanka Adduunka. Warbixintaasoo soo koobeysa hormarka MPF uu sameeyay mudadii u dhaxeysay January 1, 2017 – June 30, 2017.

1. Recurrent Cost and Reform Financing (RCRF) II

Mashruuca RCRF II waxuu Dowladda ka taageerayaa bixinta mushaaraadka iyada oo la raacayo hanaan cad oo lagu kalsoonaan karo. Waxaa kale oo uu Dowladda ka taageerayaa gun-u-dhigidda hab wax-ku-ool ah oo dhaqan gelinta miisaaniyadda ku aaddan si loogu dadaalo in laga baaqsado hoos u dhac ama jahawareer miisaaniyadeed.

Warbixin ay soo saartay Multi Partner Fund ayaa lagu sheegay in mashruucan uu gaarayo 4 maamul goboleed marka laga soo tago DFS oo wejigii hore ee RCRF I lagu bilaabay. Afarta dowlad goboleed waxaa ay kala yihiin: Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Jubbaland. Waxaana Baanka Adduunka uu intaa ku daray in maamulka Hirshabeelle la filayo in uu diyaar u noqdo dhammaadka sanadkan 2017.

Waqti ahaan, waxuu soconayaa mashruucan lagu hormarinayo habka mushaar bixinta dalka illaa iyo sanadka 2019. Waxaana xusid mudan in uu soo bilowday sanadkii 2015. Lacagta loo qoondeeyay mashruucan waa $144 milyan, waxaana deeq bixiyayaasha laga helay $39 milyan kamid ah.

2. Public Financial Management (PFM) Reform

PFM waa mashruuc waqtigiisu yahay 2015-2019. Ujeedooyinka PFM Reform waxaa kamid ah in la-aasaaso sidoo kalena la xoojiyo awoodda maamulka hantida/maaliyadda dowladda iyadoo la tayeynayo hay’daha maaliyadda dowladda iyo qeybaha la xiriira.

Waxaa mashruucan ka faaideysanaya Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada kala ah Puntland iyo Somaliland. Lacagta loo qoondeeyay mashruucan waa $20 milyan, waana la wada helay.

3. Public Sector Capacity Injection Project (CIP)

CIP waa mashruuc waqtigiisu yahay 2015-2019. Waa barnaamij Dowladda u suuragelinaya in ay buuxiso dulduleelada iyo gaabiska dhanka adeegyada dowladda iyo in xoojiso awoodda Wasiirada iyo Waaxaha muhiimka ah si ay ugu guuleystaan qabashada howlaha ugu waaweyn ee dowladda horyaalla.

Marka hore Dowladda Dexe ayaa loogu tiro galay in ay si xooggan ugu faaideysato barnaamijkan, maamulka Puntland ayaa sidoo kale qeyb ka ah hay’daha ka faaideysanaya CIP. $10 milyan oo kamid ah $40-ka milyan ee loo qoodeeyay in barnaamijkan uu ku kaco.

4. Support to Financial Governance Policy Dialogue

Barnaamijkan waxaa loogu talogalay in farsamo ahaan la kaalmeeyo, talooyinna lagula wadaago Dowladda Soomaaliya,  loona agaasimo madal lagu faaqidayo siyaasadaha maaliyadeed si loo helo daah-furnaan iyo iska warqab Dowladda dhexdeeda ah iyo beesha caalamkaba.

$2 milyan ayaa loo qoondeeyay mashruucan, deeqbixiyeyaashana waxey ku guuleysteen in ay bixiyaan Labada Milyan ee loogu talogashay. DFS iyo Wasiirada Maaliyadda maamul goboleedyada dalka ayaa ka faaideysanaya barnaamijkan. Waqtiga looga tirogalay inuu socdana waa inta u dhaxeysa 2015-2017.

5. MPF Knowledge Fund

MPF Knowledge Fund waxaa loogu talogalay in sare loogu qaado saameynta siyaasadaha Dowladda iyo midda beesha caalamka ay ku leeyihiin xaaladda dhaqaale ee dalka iyadoo si fiican loo darsayo (fahmayo) hab dhaqan-dhaqaalaha saxda ah ee bulshada. Barnaamijkan waxaa looga gonleeyahay in uu soo kordhiyo isla-xisaabtan iyadoo la adeegsanayo xog caafimaad qabta.

Waxaa loo qoondeeyay $4.5 milyan waxaana deeqbixiyeyaasha laga helay $4 milyan oo kamid ah. 2016 illaa iyo 2019 ayaa la qoondeeyay inuu socdo barnaamijkan.

6. Analytical and Technical Assistance on Education

Barnaamijkan waxaa loogu talogalay in sare loogu qaado tayada hay’adaha dowliga ah ee waxbarashada iyadoo farsamo ahaan laga caawinayo xog yarida sidoo kalena hay’adahaasi lasiinayo kaalmooyin dhanka farsamada ah.

Waxaa kale oo barnaamijkan loogu gonleeyahay in xal loogu helo caqabadaha dhanka nidaamyada, tayada, sinaanta waxbarashada iyo maamulkaba.

$1 milyan ayaa loo qoondeeyay mashruucan waxaana uu soo bilowday sanadkii lasoo dhaafay ee 2016 isagoo socon doona illaa iyo sanadka 2019. Wasaaradda Waxbarashada ayaa ah ka faaideystaha koobaad ee mashruuca halka Wasaaradaha Waxbarasha Dowlad Goboleedyada ay yihiin kuwa kusoo xiga.

7. Somaliland Civil Service Strengthening Project

Waqtiga mashruucan waa 2016-2020. Waa mashruuc sare loogu qaadayo awoodda shaqaalaha, maamulka iyo nidaamyada qaar kamid ah wasaaradaha dowlad goboleedka Somaliland.

Waxaa loo qoondeeyay $10 milyan waxaan deeqbixiyeyaasha laga helay $2.5 milyan oo kaliya. Wasaaradaha barnaamijkan ka faaideysanayo waxaa kamid ah Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha, Wasaarada Qorsheynta, Wasaarada Madaxtooyada iyo Somaliland Civil Service Commission.

8. ICT Sector Support – Phase II

U jeedka barnaamijkan waa in sare loo qaadaa aqoonta, isticmaalka iyo tiknoolojiyada Soomaaliya iyadoo la suuragelinaya deegaan la jaanqaadaya tiknoolojiyada iyo ku xiriiridda aaladaha la xiriira.

Waxaa mashruucan ka faaideysanaya guud ahaan hay’daha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn ee ka shaqeeya arrimaha tiknoolojiyada. Sanadkii lasoo dhaafay ee 2015 illaa iyo 2019 ayaa la qorsheeyay inuu socdo mashruucan. $14 milyan ayaa loo qoondeeyay $10 milyan oo kamid ah ayaa MPF soo gaartay.

9. Petroleum Sector Inclusive Development

U jeedka barnaamijkan PSID laga leeyahay waa

  1. In la mideeya lahaanshaha iyo maamulka shidaalka Soomaaliya si aanay dood iyo muran uga dhalan.
  2. In PMF/Baanka Adduunka uu taageero sameynta istraateejiyada iyo siyaasadaha, sharciyada la xiriira kheyraadka dabiiciga ah gaar ahaan shidaalka
  3. In kor loo qaado awoodda Dowladda ay kula gorgortami karto shirkadaha ajaanibta ah, sidoo kalena ay ku maareyn karto heshiisyada la xiriira arrintaas.

Mashruucan waxaa loogu tiro galay iney u baxdo $3 milyan iyadoo ay xusid mudantahay in $1.2 milyan kamid ah ay kusoo dhacday Sanduuqa Multi Partner. Waqtiga uu mashruucan waa inta u dhaxeysa 2015-2017

10. Somali Core Institutions & Opportunities Program

Ujeedka Mashruucan waa:

  1. In kor loo qaado jawiga ay ku shaqeynayaan hay’adaha gaarka looleeyahay iyo kuwa maaliyadda ka shaqeeya.
  2. In la dhiirrogeliyo maalgashiga iyo shaqo abuurista

Waqtiga: 2016-2019

SCIOP waxaa loo qorsheeyay $28.5 waxaa deeqbixiyeyaasha ay bixiyeen $13.8 kamid ah. Waxaa mashruucan loogu faaideynayaa guud ahaan qeybaha kala duwan ee dhulka Soomaalida iyo gobolada kala duwan.

11. Somalia Investment Climate Reform Program

Ujeedka: Waa in kor loo qaado lana dhiirrogeliyo dhaqaale koror iyo tartan xagga suuqa ah oo ka yimaada hay’adaha gaarka loo leeyahay iyadoo meelo cayiman hab maalgashigeeda dib u habeyn lagu sameynayo.

Waqtiga: 2016-2018

Waxaana la qorsheeyay in mashruucan uu ku baxo $2.9 milyan oo $1.85 kamid ah uu bixinayo Sanduuqa Multi Partner.

Dadka ka faaideysanaya waxaa ay isugu jiraan hay’ado dowli ah iyo kuwo aan dowli aheyn.

Kuwa Dowliga ah: Wasaaradaha DFS u qaabilsan ganacsiga iyo maalgashiga iyo Wasaardaha Somaliland u qaabilsan ganacasgiga iyo maalgashiga, iyo Wasaaradda Tamarta Somaliland.

Kuwa aan Dowliga aheyn: Rugaha Ganacsiga, Hal-abuurayaasha ganacsi ee Soomaaliya iyo Somaliland

12. Supporting to Remittance Flows to Somalia

Hadafka: Baanka Adduunka waxuu Bangiga Dhexe ee Soomaaliya kala shaqeynayaa in la dhaqan geliyo howlo loogu gonleeyahay in laga difaaco caqabadaha soo wajahaya suuqyada xawaaladaha Soomaaliya inta laga helayo hab-maaliyadeed wanaagsan.

Waxaa barnaamijkan ka faaideysanaya Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo dadka xawaaladaha wax loogu soo diro.

Waxuu soo bilowday mashruucan 2015 waxaana la qorsheynayaa in sanadkan aynu ku jirno lasoo gabo-gabeeyo, iyadoo ay suuro-gal tahay in lasii gaarsiiyo illaa iyo 2020. Waxaa mashruucan loo qoondeeyay lacag dhan $2.2 milyan iyadoo laga yaabo in lasii gaarsiiyo $3.655 milyan.

13. Special Financial Facility for Local Development

Ujeedka SSF-LD waa inuu taageeraa dhismaha iyo dayactirka ee kaabayaal dhaqaale oo cusub iyo kuwii hore ee duugoobay. Dadka ka faaideysanaya waxaa ay kala yihiin (1) shacabka ku sugan deegaanada la dayactiray ama la dhisay (2) Dowladda, shaqaalaha Wasaaradaha howsha qabanaya.

Waxaa loo qoondeeyay mashruucan lacag dhan $8.8 milyan, wejiga koobaan ee SFF-LD waxaa loogu tirogalay inuu gaaro Soomaaliya oo dhan. Wejiga labaadna waxaa si gaar ah ugu faaideysan doona Shabeelaha Hoose, Nugaal iyo Bakool.

Waqti ahaanna, 2016 ayuu soo bilowday mashruucan waxaana la filayaa in sanadkan dhammaadkiisa uu soo gaba-gaboobo.

14. Somali Urban Investment Planning Project

Mashruucan waxaa ku baxeysa $6 milyan waxaana loogu talogalay in lagu maalgeliyo magaalooyin dhowr ah si bilicda iyo kaabayaasha dhaqaalaha loo soo celiyo.

Magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa iyo Garowe ayaa ka faaideysanaya.  Waxaa xusid mudane in deeqbixiyeyaasha ay bixiyeen lacagtii loogu talogalay ee mashruuca oo aheyd $6 milyan. Muddo laba sano ah 2016-2017 ayaa loogu tiro galay inuu socdo mashruucan SUIPP.

15. Somalia Power Sector Development Support

Ujeedka mashruucan ayaa ah in uu ka qeyb qaato horumarinta iyo sal-fiican u dhigidda tamarta Soomaaliya. Dowladda iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay ee tamarta ka shaqeeyo ayaa ka faaideysanaya mashruucan. Waqtiga mashruuca: 2015-2018. $5 milyan ayaa uu qorshahu yahay in uu qaato mashruucan balse $1milyan oo kamid ah ayaa laga hayaa deeqbixiyeyaasha.

W/D: Mowliid Axmed Xasan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here