Aqriso: 10-ka Deeqbixiyeyaal Ee Deeqahooda Soomaaliya Usoo Marsiiyo Baanka Adduunka

Sanadkii 2013 waxaa la aasaasay Multi Partner Fund (MPF) oo ah sanduuq uu maamulo Bangiga Adduunka waxuuna sanduuqaas Soomaaliya u qaabilsanyahay qoondeynta, maamulka iyo la socoshada mashaariicda Baanka ee Soomaaliya.

Waxaa sanduuqaas maalgeliya 10 deeq bixiyeyaal oo kala ah:

  1. Midowga Yurub
  2. UK
  3. Sweden
  4. Norway
  5. Denmark
  6. Switzerland
  7. Baanka Adduunka (Sanduuqa Nabadda & Dowlad Dhisidda)
  8. Finland
  9. USA
  10. Talayaaniga.

Deeqbixiyaha ugu ballaaran ee mashaariicda Soomaaliya ee uu Baanka Fuliyo waxaa ah Midowga Yurub oo MPF u yaboohay 77.7 milyan oo doolar, waxuuna bixiyay $59.5 milyan oo kamid ah lacagtii uu u yaboohay Soomaaliya iyadoo soo mareysa MPF.

Dalka UK ayaa ah dalka labaad ee lacagta ugu badan yaboohay sidoo kalena bixiyay lacagta ugu badan. UK waxuu yaboohay lacag dhan $63.9 milyan isagoona bixiyay $62.3 milyan. Halka dalka Sweden uu noqday dalka 3’aad isagoo yaboohay $21.8 milyan sidoo kalena bixiyay dhammaan lacagtii uu yaboohay.

Hadaba shaxdan hoose ka daalaco 7-da deeqbixiyeyaal ee kale:

No.         Magaca                  Yaboohay                 Bixiyay

4.         Norway                   $19.3 milyan               $10.9 milyan

5.         Denmark                 $12.8 milyan               $10.5 milyan

6.         Switzerland            $8.2 milyan                $8.2 milyan

7.        WB’s SPF                  $8 milyan                    $8 milyan

8.        Finland                     $4.5 milyan                 $2.3 milyan

9.        USA                           $3 milyan                    $3 milyan

10.      Italy                           $2.2 milyan                 $2.2 milyan

[Xogta warbixintan waxaan kasoo qaadanay Progress Report WB/MPF: January 1st, 2017 – June 30th, 2017]

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here