Ganacsato ka cabaneysa canshuur kordhin lagu sameeyay badeecada kasoo dagta dekedda Muqdisho

Ganacsatada wax-kasoo degsada dekedda Muqdisho ayaa ka cabanaya canshuur kordhin lagu sameeyay badeecada kasoo degta dekedda.

Ganacsatada ayaa sheegay in qaabkii hore ee wax loo canshuuri jiray uu ahaa in konteeranka soo daga waxaa ku jira si guud loo canshuuro balse saakay la bilaabay in laba-mar la canshuuro:

  1. Mar in konteenarka si guud ahaaneed loo canshuuro, kadibna
  2. Hal-hal loo canshuuro waxa ku jira konteenarka.

“Saakay markii aan shaqada nimid waxaa noola sheegay in badeecada soo dagta canshuur kordhin lagu sameeyay… Konteenarka marka la canshuuro kadib ayaa dhexda loosii galaa oo calaa-sheey ayaa lacag looga sii rabaa hadane” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada wax kasoo dagsada dekedda Muqdisho.

“Markii hore wax aan ku qanacsanahay ayaa nagala qaadi jiray, warqadda badeecada lagu soo raro waxa ku qoran ayaa la canshuuri jiray” ayuu sii raaciyay.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli todobaadyo ka hor Wasiirada Maaliyadda DFS iyo Maamul Goboleedyada ay ka wada hadleen sidii loo mideyn lahaa canshuuraha dalka.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here