Lacagta Shilin Soomaaliga oo aan Beledweyne Ka Shaqeyneynin

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in magaalada Beledweyne uusan gebi ahaanba ka shaqeyneynin lacagta shilin Soomaaliga ah.

Qaar kamid ah shacabka Beledweyne oo Goobjoog Business la hadlay ayaa sheegaya in lacagta doolarka kaliya wax lagu kala iibsado magaaladaas, waxaana arrintaasi ay saameyn weyn ku yeelatay nolosha dad badan oo xamaalato iyo xoogsato ahaa oo shilimaadka soo-gala maalintii biilan jiray.

Diidmada shilin Sooomaaliga ayaa kasoo bilaabatay in aan la isticmaalin lacag la-sheegay in lagu soo sameeyay deegaanada Puntland oo soo gashay gobolad dhexe ee dalka. Wixii intaasi ka dambeeyay waxaa magaalada laga isticmaali jiray lacag shilin Soomaali ah oo ah lacagta laga isticmaalo Muqdisho ee gobolada Koofureed ee dalka iyo sidoo kale lacagta doolarka ah. Ugu dambeynta hadda waxey xaaladda mareysaa in gebi ahaanba ganacsatadu ay diidaan shilin Soomaaliga

“Jiil dhan oo shaqeysanaayay oo ganacsanayay ayaa qadka ka baxay sicir bararka dhacay kadib.” ayuu yiri mid kamid ah shacabka Beledweyne oo Goobjoog la hadlay.

Waxaa kale oo ay innoo sheegayaan shacabka in dadkii ka shaqeyn jiray sarifka lacagaha qalaad ay intoodii badneyd ay iska xereen goobahii kadib markii lacagta shilin Soomaaliga oo aheyd lacagta ugu bada ee doolarka lagu badasho ay meesha ka baxday.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Maaliyadda oo masuul ka ah marka ay timaado mushkiladaha lacagta iyo sicir bararka wax jawaab ah oo la-taaban karo kama aysan bixin xaraddan maaliyadeed ee ku habsatay gobolo badan oo kamid ah dalka.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here